Cantitate/Preț
Produs

Aanadii Negeeye

Autor Ibraahin Yuusuf Axmed Hawd
Paperback
"Aanadii Negeeye waa buug waddo cusub u furaya bandhigga xikmadda iyo suugaanta soomaalida oo ilaa hadda si wayn la isugu soo tebin jirey tix ahaan. Waa tiraab waji cusub leh; waa male-awaal dhacdooyin jirey ka muuqdaan; waa maldahaad haddana si cad wax u sheegaysa; waa farriin sare oo qoraagu u xushay afsoomaali sugan oo faseex ah. Aanadii Negeeye waa sheeko culus oo raadgoobaysa diillimaha kala jaadjaadka ah ee jeegaanta masxkaxda Aadamiga: mar waa siqiir danbi-laawe ah oo bulshaduu ku korayaa ay xumaan ku habayso; marna waa cadaawad lagu bogsiinayo aargoosasho, kufsi, dhac, tuugo, xatooyo xoolo dadweyne; marna waa bayaaminta itaaldarrida Aadamiga oo waa kalgacal iyo jacayl nadiif ah; mar waa damac adduun iyo cidi kaama sarrayso ku taam; marna waa xaqiijinta waxa ummad dhan nolosheedii maanta ka dhigay ummad la'aan. Waxay sheekadani tahay digniin ah wixii dhacay, ee ku dhacay soomaali, waa wax soo noqon kare e, ummadyahay ka digtoonaada." - Jaamac Muuse Jaamac. "Buuga sheekada 'Aanadii Negeeye' runtii waa buug yaab leh sida la isugu duba riday. Farshaxnimada heerka sare ee loo qoray waxaad markiiba odhanaysaa ma arag buug kan la mid ah Macnaha uu xanbaarsanyahay, sheekada xiisaha badan, fikerka dahsoon, dhaqanka, falsafada iyo dareen nafsadeedka intuba waxay ku tusayaan xeeldheerida mu'allifaka buugga iyo aqoonta durugsan ee uu u leeyaahay hal abuurka noocan ah. Sida uu fikradaha kala duwan si sahlan ugu soo gudbiyey erayo af soomaali fudud oo hufan aadna u qota dheer mararka qaar waxaad mooddaa in qaamuus af soomaali ahi hortiisa yaallo oo siduu doono erayada u kla xulanayo. Intan oo xikmad ah af soomaali ma lagu gudbin karaa? Waa buug aan u arkay inta sheeko soomaali aan akhriyey kii ugu mudnaa. Waxaa hubaal ah qofkii akhriya buuggan 'Aanadii Negeeye' inuu kala kulmayo waayo aragnimo weyn." - Cawil Xuseen Cali. "Aanadii Negeeye ee Ibraahin-Hawd waa sheeko dibirrooti laga amaamudday. Hadda iyo hadhowto, ma jirayaan wax ku soobaxaya sida qacda hore loo maleynayo; waayo dhacdooyin hore iyo dhacdooyin dambe ayaa isula falgalaya siyaabo, aayahooda dambe, aan la sii odorosi kareyn, halkaas oo ay ka soo ifbaxayaan weliba dhiillooyin horleh; gooraha qaarkood na, akhristeha iyo baxaalliyada ba (jilaaga), labaddaraadle, waxa hadba ugu soo xigi dhalanrog la layaab leh. Negeeye oo jardiinada Fiilla Adduun kursijiif ku dangiiga, ayaa maankiisu higsanayaa fallaagonnimadii tiil Damalweyn. Shir ay beeshiisu beri ku guddoonsatay in la digarogto ayuu dib u soo gocanayaa. Colaad berigaas jirtay darteed ayay beeshu u guuri lahayd; si ay nabadgelyadeeda u sugto, iyo tab ay geeri uga badbaaddo. Waageedii, isla jeerkii uu dhacay guddoonkaas isaga ah, Dhool ayaa iyadu na foolatay. Sidaas darteed, Geeddi Buraale ayaa ku taliyay in curadkiisii loo wanqalo, hayaankii na dib loo dhigo. In la guuro iyo in aan la guurin, ayay se noqotay tooyashadii tolka. Geeddi iyo Goodir na halkaas ayay isku afdhaafeen; waayo Goodir ayaa qabay "ciil ka soo jeeday caddaloolkii kuraynimo." Labadii rag ahaa na, farafootame'; Goodir na, laga itaal roonaa'. Dabadeed, markii la kala guray colkii, iyada oo la rumeysnaa in uu iska ba hoyaadtegay, ayuu madashii kula soo laabtay qori cabbaysnaa: Goodir waxa uu toogad ku ajalay Geeddi Buraale: Sidaas ayuu habeenkii uu Negeeye dhashay, aabbihii na uu ku dhintay." - A M Yuusuf Waayeel. "Sheekada buuggu Aanadii Negeeye] waxay ku saabsantahay noloshii qofka soomaaliyeed kala soo kulmay Jamhuuriyaddii soomaaliyeed. Muddadaas oo ku jeeniqaaran laga soo bilaabo dhammaadkii lixdamaadkii ilaa burburkii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed. Nolosha miyiga iyo ta magaalada ayaa isku dhafan oo kolba aad dacal ka daawanaysaa. Negeeye oo magacaba kula baxay reer geeddi ahaa oo dhalashadiisa u negaaday ayaa usha u haya sheekada. Maadaama oo nolosha miyiga iyo tan magaaladu ay kala jaad tahay, waxa ka muuqata qoraaga buugga qoray in labaduba u fudud yihiin ka had alkooda." - Sayid Axmed Dhegey.
Citește tot Restrânge

Preț: 15102 lei

Nou

Puncte Express: 227

Preț estimativ în valută:
2890 2999$ 2416£

Carte disponibilă

Livrare economică 24 februarie-10 martie

Preluare comenzi: 021 569.72.76

Specificații

ISBN-13: 9781494468040
ISBN-10: 1494468042
Pagini: 388
Dimensiuni: 152 x 229 x 19 mm
Greutate: 0.49 kg
Editura: CREATESPACE